Dad ka qeybgalay xaflad aroos oo la afduubtay

Bulsha:- Koox hubeysneyd ayaa ugu yaraan 29 qof ka afduubtay gobolka Zamfara ee waqooyi-galbeed ee Nigeria, sida ay booliisku sheegeen.

Dadkan la afduubtay ayaa ka soo laabtay xaflad aroos ah, waxaana la sheegay in kooxdii hubeysneyd ay weerar gaadmo ah ku qaadeen kolonyo gaadiid ah oo ay dadkaas wateen.

Dadkan la qafaashay ayaa u badnaa ganacsato taleefoonnada gacanta ka shaqeyn san jirtay kuwaas oo ka howlgayay suuq caan ah oo ku yaalla magaalada Gusau ee caasimadda gobolka Zamfara –waxayna kasoo laabteen aroos ka dhacay gobolka ay deriska Sokoto halkaas oo lagu casuumay.

Mid ka mid ah dadkii ka badbaaday weerarka ayaa BBC-da u sheegay in dableyda ay jidgooyooyin dhigteen waddada isla markaana ay rasaas ku fureen dadkii saarnaa baabuurta.

Dadka qaar ayay u suurtogashay inay ka baxsadaan goobta.


Afhayeen u hadlay booliiska ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay billaabeen baadigoobka dadka la afduubtay.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment