Sacuudiga oo xabsi kasii daayay Maxbuuskii ugu Da’da yaraa oo u xirnaa Dowladda

Bulsha:- Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa lagu soo waramayaa in xabsi kasii deysay maxbuuskii ugu da’da yaraa ee dowladda u xirnaa, wiilkan lasii daayay ayaa dhoor sanno ku qaatay xabsi kuyaalla Sacuudiga.

Murtaja Qureiris, ayaa ciidamada ammaanka ee Boqortooyada Sacuudiga xireen isaga oo 13-sanno jir ah, waxaana wiilkan yar lagu eedeeyay in uu qeyb ka ahaa banaan baxyo Sacuudiga ka dhacay 2011-kii oo dowladda looga soo horjeeday.

Wiilkan ayaa la xiray sannadkii 2014-kii xilligaas uu ahaa 13-sano jir, waxa uuna wiilkan yar ee ka qeyb galay banaan bax dowladda looga soo horjeeday wajahaya xukun dil ah ,balse markii dambe xukunkaasi loogu bedelay xabsi.


Murtaja Qureiris, ayaa la aaminsan yahay in uu ahaa maxbuuskii ugu da’da yaraa ee Boqortooyada Sacuudiga u xiran ee loo xiro ku lug lahaanshaha mudaaharaadyo siyaasadeed oo dowladda looga soo horjeeday.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment