Milateriga Ruushka oo gantaalo ku garaacay caasimada Ukraine ee Kyiv (Sawirro)

Bulsha:- Ciidamada Ruushka ayaa maanta gantaallo ku garaacay caasimadda Ukraine ee Kyiv, waxaana ka dhashay qaraxyo waaweyn iyo khasaare kala duwan

Duqa magaalada Kyiv Vitali Klitschko ayaa sheegay in gaadiidka gurmadka degdega ah iyo shaqaalaha gurmadka ay gaareen goobta duqeyntu saameysay

Mid ka mid ah Gantaalada ayaa ku dhacay dhismo ay dad degan yihiin, waxaana ku dhintay hal qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen afar kale oo ay ku jirto gabadh 7 jir ah.

Qaraxyo dhowr ah ayaa sidoo kale laga maqlayaa Kyiv, sarkaal ku sugan gudaha Ukriane ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan lix qarax ay ka dhaceen magaalada caasimadda ah ee Kyiv.


Ukraine ayaa ku dhawaaqday shalay oo sabti aheyd in ciidamada Ruushka ay la wareegeen magaalada istiraatiijiga ah ee Severodonetsk, kadib duqeymo ba’an oo halkaas ka dhacay.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment