Raila Odinga oo balan qaaday in dib loo furi doono xadka Kenya iyo Soomaaliya hadii la doorto

Bulsha:-  Musharaxa madaxweynaha dalka Kenya Raila Odinga ayaa balan qaaday in uu dib u furi doono xuduudka Kenya iyo Soomaaliya ee xiran hadii la doorto 9-ka bishan Ogoosto.

Raila ayaa sheegay in xadka la furi doono si loo suurtageliyo isu socodka ganacsiga labada dale e Soomaaliya iyo Kenya oo u xiran sababo la xiriira dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Kenya & Al-Shabaab.

“Waa in aan meel marinaa wax walba oo looga baahan yahay si loo xaqiijiyo howlgallada ka socda xadkan si aan si xor ah ula macaamilno walaalaheen Soomaaliya,” ayuu yiri Raila Odinga.

Musharaxa Madaxweyne oo ay wehlinaysay ku xigeenkiisa Martha Karua iyo madax kale ayaa balan qaaday in ay xaqiijin doonaan ammaanka Mandheera iyo guud ahaan gobolka Waqooyi Bari.

Gobolka ayaa waxaa weli ka taagan dhibaatooyin ay ka mid yihiin weerarrada ay geystaan Ururka Al-Shabaab ee la dagaalama  Soomaaliya.

Weerarkii ugu dambeeyay wuxuu dhacay Khamiistii markii dabley hubaysan ay joojiyeen Gaari Bas ah oo ku wajahnaa Magaalada Mandheera ugu yaraan laba saacadoodna ay khudbad u jeedinayeen rakaabka.

Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa sheegay in dowladdiisa ay xoogga saari doonto horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee gobolka si dalka intiisa kale loo gaarsiiyo.

Xadka Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa xilligaan kajira dhibaatooyin kala duwan oo sababay weerarada Ururka Al-Shabaab, iyada oo dad badan ay isaga barakaceen kadib markii ay saameyn ku yeesheen weerarada.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment