Bulsha:- Ra’iisul Wasaaraha cusub ee XFS Xamse Cabdi Barre iyo Ra’iisul Wasaaraha xilka wareejinaya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kormeer ku tagay Xarunta cusub ee ay ku shaqeyneyso Xukuumadda oo ah Xaruntii Xisbiga oo dowladda Qatar ay dib u dhis iyo dayactir ballaaran ku sameysay.
Korneerkan waxaa ku wehlinayay Wasiiro ka tirsan xukuumadda, Taliyaha ciidanka booliska Jeneraal Xijaar iyo safiirka dowladda Qatar ee magaalada Muqdisho, iyadoo guud ahaan qeybaha ay ka kooban tahay xarunta la soo tusay ra’iisul wasaraha.
Ra’iisul Wasaare Xamse Barre ayaa maanta si rasmi ah waxaa uu xilka ugala wareegayaa Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble oo xilkan hayay muddo 20 bilood.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment