Bulsha:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre iyo Ra’iisul Wasaaraha xilka wareejinaya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray xarunta cusub ee xukuumadda iyo Ra’iisul Wasaaraha oo oo heer gabo-gabo ah maraya.
Kormeerkaan ayaa waxa ku wehlinayey Rooble iyo Xamse Taliyaha Ciidamada Booliska General Xijaar,Xubno katirsanaa Xukuumadii xilligeeda dhamaaday,Gudoomiyaha Degmada warta nabada Seynab Xaabsay iyo Safiirka Dalka Qatar ufadhiya Soomaaliya.
Guddigaan mashruucaan dhismaha gacanta ku hayey ayaa warbixin laga dhageystay howsha iyo waxa ka dhiman iyadoo dhawaan ay sheegeen in xariga laga jari doono dhismahaasi oo si qurux badan loo diyaariyey.
Xukuumadii Ra’iisul wasaaraha ka ahaa Xasan Cali Kheyre ayaa soo bilowday dhismaha xaruntii hore ee xisbiga oo kudhaw Tuulada ciyaaradaha (Isbartiibada Muqdisho) waxaana dadka qaar ay ka digayaan halista weeraro madaafiic ah oo Al Shabaab ku qaadi karaan xaruntaasi.
Waa markii ugu horeysay oo sanado kadib Xukuumada iyo golaha wasiirada ay ku shaqeyn doonaan meel ka baxsan Madaxtooyada Soomaaliya,iyadoo jidka soddonka iyo qeyb ka mid ah Wadada wadnaha ay dawlada ku shaqeyn doonto,una soo guuri doonto.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment