Ra’iisul wasaare Xamse oo markii u horeysay la hadlay waxa uga qorsheysan Somaliland.

Bulsha:- Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa markii u horeysay ka hadlay tabashada ay qabeen reer Somaliland ee keentay iney ku dhawaaqaan iney ka go’een Soomaaliya inteeda kale, walow aysan wali helin dal aqoonsi caalamiya siiya.

Xamse oo ka hadlayay munaasabad lagu qabtay xalay aqalka dowladda hoose ee Xamar oo lagu xusayay 26-ka June ayaa sheegay in juhdi badan uu ku bixin doono xallinta tabashadooda si loo helo Soomaali heshiis ah oo mustaqbalkeeda wadajir u dhisata.

“Anigoo garowsan tabashada walaaleheenna Waqooyi ee hormuudka u ahaa xornimada iyo midnimada dalka, waxaan ballan qaadayaa in aan dadaalkii ay ku baxiyeen xormimada iyo midowga mid u dhigma ku bixiyo xallinta tabashadooda si loo helo Soomaali heshiis ah oo mustaqbalkeeda wadajir u dhisata” ayuu yiri Xamse.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay xaaldaha xiligan dalka ka jira ayaa sheegay in dadkeenu wajahayaan duruufo adag oo ay abaaruhu keeneen, una dheer yihiin arrimo amni iyo mid dhaqaale oo u baahan in wax laga qabto.

“Xukuumaddaydu waxay ahmiyad gaar ah siindoontaa sidii loo laba jibaari lahaa dadaalada loogu gurmanaayo dadkeena abaartu saameysay. Inagoo ka yeelan doonaa qorshayaal cad-cad oo lagu sameeynaayo xal waara iyo in dalka loogu diyaariyo inuu awood u yeesho ka jawaabista musiibooyinka qaran.” ayuu warkiisa ku soo xiray.


Ra’iisul wasaare Xamse oo la soo magacaabay 15-kii bishan ayaa shalay si aqlabiyad leh codka kalsoonida uga helay golaha shacabka, isagoo haatan ku mashquulsan soo dhisida xukuumad tayo leh oo dalla doorasho qof iyo cod ah gaarsiisa.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment