Sanad kadib markii la waayay Ikraan Tahliil oo ka tirsan Hey’adda NISA.

Bulsha:- Habeennimo 26 June oo saacadu aheyd 8-dii Fiidnimo ayaa Ikraan la waayay, xilligaas oo ay ka soo baxday guriga ay deganeyd oo ku dhow Xarunta Nabadsugida ee Habar Khadiijo, markaas oo ay Kaamirada Qarsoon soo qabatay, iyada oo gaari sii galeysay.

Gabadhan oo madax ka ahayd qaybta dambi baarista internet-ka ayaa waxaa soo shaac baxay warar sheegaya in la dilay.

Hay’adda NISA oo ay ka tirsanayd ayaa lagu eedeeyay in ay dilkeeda mas’uul ka yihiin, inkastoo ay dhankooda iska fogeeyeen. Xog kasoo baxday Nisa ayaa lagu sheegay in baaritaanno la sameeyay lagu ogaaday inay Ikraan afduubteen Al-Shabaab kaddibna dileen.

Hase yeeshee kooxda Al-Shabaab ayaa dhankeedana beenisay inay ku lug lahayd maqnaashaha iyo dilka gabadhaas, taasoo sababtay in uu jah wareer badan hareeyo kiiskan.

Kiiska Ikraan Tahliil ayaa ka mid ahaa dhacdooyinkii ugu waa weynaa ee ay la kulantay dowladdii hore oo sabab u noqday in xilka laga qaado Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, iyadoo Kiiska Ikraan uu wali ka furan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, waxaana ka jira isku tuur tuur badan oo dilkeeda iyo waayitaankeeda.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment