Ciidamada Danab oo gacanta ku dhigay xubno katirsan Al Shabaab iyo Agab (Sawirro)

Bulsha:- Ciidamo katirsan kumaandooska Soomaaliya ee Danab gaar ahaan hurinta gaadiidka gaashaman ee MU, ayaa howlgal qorsheesan ka fuliyay deegaanka Lafoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Warbaahinta dowladda ayaa ku warantay in ciidamada Danab gacanta ku dhigeen labo xubnood oo katirsan Al Shabaab ,waxa ay sidoo kale sheegeen in ciidamada burburiyeen goob Al Shabaab dadka ku marin habaabin jireen.

Ciidamada Danab ayaa xarunta ay tageen ee kuyaalla Deegaanka Lafoole waxa ay kasoo heleen agab kala duwan ay ku jireen , Baasabooro badan ,Cajalado DVD, Bugaag iyo kaydiyaal kale .

Saraakiisha ciidamada howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay in raga la qabtay loo gudbiyay xabsi laguna sameyn doono baaritaano dheeraad ah, waxa ayna saraakiisha xuseen in ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab.

Ciidamada kumanadooska Soomaaliya ee Danab, ayaa mararka qaar ka fuliya gobolada Shabeelooyinka iyo Jubbada Hoose howlgalo gaar ah, waxa ayna ciidamada marar badan sheegeen in gacanta ku dhigeen xubno katirsan Al Shabaab.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment