DAAWO:- Masar iyo Israel oo kula heshiiyey Midawga Yurub in loo iibgeeyo gaasta dabiiciga ah

Bulsha:-  Dawladaha Masar, Israel iyo ururka Midawga Yurub ayaa kala saxeexday heshiis la xidhiidha gaasta dabiiciga ah ee wax lagu karsado, taasoo qorshaha heshiiskani yahay in dalka Israel uu gaasta dabiiciga ah u dhoofiyo suuqyada dalalka Midawga Yurub, iyada oo la sii marinayo laba wershadood oo ku yaalla dalka Masar.

Heshiiskan ayaa qalinka lagu duugay toddobaadkii hore, intii lagu guda jiray kulanka Madasha Bariga badda Mediterranean-ka, kaas oo ka dhacay caasimadda dalka Masar ee Qaahira, waxaana ujeedada shirkani uu ahaa in la ballaadhiyo iskaashiga dhinaca gaasta dabiiciga ah ee u dhexeeya dalalka Masar, Israel iyo ururka Midawga Yurub.

Sayid Sadek oo ah aqoonyahan u dhashay dalka Masar oo ku takhasusay cilmiga bulshada ayaa VOA u sheegay in ku dhawaaqista heshiiskan uu rasmi ka dhigayo iskaashi soo socday muddo bilo ah oo u dhexeeyay saddexdan dhinac.


Sadek waxa kale oo uu sheegay in Maraykanku uu hadda isku dayayo in uu ka odayeeyo xal u helidda muranka ka taagan dhul-badeedka ee u dhexeeya Israa’iil iyo Lubnaan, halkaas oo ay ku jiraan gaas aad u tiro badan, waxaana hindisuhu uu yahay in haddii xal laga gaadho, in lagu daro heshiiskan lala galay Midawga Yurub.

Warbixin arrintan ku saabsan waxaa innoo haya weriyaha VOA ee Qaaradda Yurub Cabdixaafid Cawil Ismaaciil




Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment