Safiirka Maraykanka oo ka jawaabay hanjabaadda Al shabaab ee xukunka Somalia

Bulsha:- Safiirka dowladda Maraykanka ee Soomaaliya, Larry Andre ayaa sheegay in aysan A.lshabaab u suurtagali karin inay la wareegaan Soomaaliya, si lamid ah Taliban oo la wareegay Afgaanistan.

Danjire Larry Andre oo ka falcelinayay wareysi laga qaaday hoggaamiye ku xigeenka Alshabaab, Mahad Karate, oo sheegay inay rajeynayaan inay la wareegaan xukunka Soomaaliya, ayaa ku tilmaamay aragti buunbuunin badan.

Inkastoo danjiruhu uu sheegay Al-Shabaab ay saameyn ku yeelatay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyaga oo u mara lacagaha canshuuraha ee ay ka qaadaan ganacsatada.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay leedahay saaxiibo amni oo ay kamid yihiin, Maraykanka, Turkiga, midowga Afrika iyo dalalka deriska, kuwaas oo uu sheegay inay diyaar u yihiin inay Soomaaliya ka difaacaan khatar kasta oo kaga timaada Alshabab.


Danjiraha Maraykanka ayaa sidoo kale sheegay inay Soomaaliya leedahay ciidamo awood uleh inay ka difaacaan Alshabaab, kuwaas oo xusay inay haddana fuliyaan howlgallo ka dhan ah Alshabaab.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment