Ra’iisul wasaare Rooble oo maanta furay Imtixaanka Shahaadiga ee dugsiga sare.

Bulsha:- Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ka Furay Imtixaanka Mideysan ee Dugsiyada Sare oo Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ay qaadeyso.

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa sheegtay in tirada guud ee ardayda imtixaanaadka u fariisanaya ay tahay 35-kun arday, oo ku kala sugan gobolka Banaadir iyo afar dowlad-goboleed ee kala ah Jubaland, Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hirshabelle.

25-Kun oo ardey ayaa Imtixaanka sanadan ku galeyso magaakada Muqdisho, waxaana loo diyaariyay 67 xarumood oo ku kala yaala degmooyinka gobolka Banaadir, Puntland ayaan ka qeyb galin Imtixaanka dowladda, iyagoo si gaar ah u qaada Imtixaanka ardeyda fasalka ugu danbeeya ee dugsiga sare dhameysa.

Ardayda maanta u fariisinaya imtixaanaadka mideysan ee Dugsiga Sare ayaa loo diyaariyay goobo kala duwan oo ku yaalla magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka Soomaliya, iyadoo ammaanka si aad ah loo adkeeyey.


 










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment