Somaliland oo dil ku xukuntay sarkaal dilay gabar arooskeeda isku diyaarineysay.

Bulsha:-  Maxkamadda Ciidamadda Milatariga ee Somaliland ayaa goordhow xukun dil ah ku riday Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamadda Milatariga, kaasoo loo heysto dilka gabar dhalinyara eheyd oo toogashadeeda xiisad uu ka abuuray gudaha Somaliland.

Sida lagu sheegay go’aanka Maxkamadda, Gaashaanle Dhexe Saalax Bullaale Jaamac ayaa lagu riday xukunkan toogahsada ah, isagoo dusha u ritay dilka Najma Cabdillaahi Maykal oo ka tirsaneyd Shaqaalaha Wasaaradda Beeraha Somaliland, dilka haweeneydan wuxuu geystay 3-dii bishan xili habeen eheyd.

Arrinta argagaxa leh ayaa ah in Haweeneyda la toogtay xili ay u sooctay dukaan ay dooneysay iney ka asoo adeegato, iyadoo isu diyaarineysay guurkeeda oo malamo kooban uu ka harsanaa xiliga la toogtay kahor, waana taas sababaha soo dadajiyay in go’aanka deg dega ah ay qaadato Maxkamadda Ciidamadda Milatariga ee Somaliland.


Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in Goobta Maxkamadeynta Sarkaalka dilka geystay ay ku sugnaayeen Saraakiil katirsan Ciidamada Millateriga Somaliland, ehelada Marxuumada iyo Sarkaalka xukunka lagu riday iyo dad kale, Dhawaan Ehellada Marxuumad Najma Cabdillaahi Maykal ayaa Xukuumadda Somaaliland ka codsaday inay cadaalad u helaan dilka Gabadhooda, taas oo uu dambeyn loo fuliyay.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment