Tehran: Madaxweynaha Suuriya oo la kulmay hogaamiyaha sare ee Iran

Bulsha:- Madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad ayaa Axaddii booqday dalka Iran oo ah dalka iskugu dhow yihiin dalalka gobolka si uu wadahadal ula soo yeesho hogaamiyaha sare ee Iran Ayatollaha Ali Khamenei.

Labada hogaamiye ayaa intii wadahadalka lagu jiray ku baaqay in iskaashi adag oo ay yeeshaan Tehran iyo Damascus, sida laga soo xigtay warbaahinta dawladda Iran.

Madaxweyne Assad oo booqashadii labaad ku tagaya Iran ilaa markii dagaalku dalkiisa ka bilowday sanadkii 2011kii, ayaa sidoo kale la kulmay madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Iran ee IRNA.

Assad ayaa awood u helay inuu horjoogsado dagaalki sokeeyey ee dalkiisa ka bilowday markii ay dhaceen dibadbaxyo ay dadku dimoqraadiyad ku doonayeen sanadkii 2011kii, isaga oo kaalmo ka helay ururada gacan-saarka la leh Iran iyo faragin militari oo weyn oo Ruushka ka timid sanadkii 2015kii.

Telefishanka Iran ayaa madaxweyne Assad ka soo xigtay isaga oo leh “xiriirka istaraatiijiga ah ee Iran iyo Suuriya waxa uu horjoogsaday awooddii taliska Sahyuunidda [Israel] ee gobolka.


Warbaahinta Nournews ee Iran ayaa iyaduna warisay in Assad uu dib ugu noqday dalkiisa.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment