Kenya oo adkeysay amniga xuduudeheeda kadib weerarkii Ceel-baraf.

Bulsha:- Dowladda Kenya ayaa adkeysay amniga xuduudaha dalkeeda, iyadoo ciidamo dheeraad ah geysay xadka ay la wadaagto Soomaaliya, iyadoo ka cabsi qbata weerar uga yimaada Kooxda Shabaab oo lamid ah kii 3-dii bishan lagu qaaday saldhig ay ciidamada Burundi ku leeyihiin deegaanka Ceel-baraf, halkaasoo lagu dilay inkabadan 30 askari oo halkaasi ku sugneyd.

Sarkaal sare oo u hadlay dowladda Kenya ayaa sheegay iney heleen xog sheegeysay in kooxda Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya ay maleegeyso weerar ay ku dhibaateyso Shacabka Kenya, wuxuuna sheegay in kooxda ka faa’ideysaneyso xili roobeedkan la galay, maadaama dhaq dhaqaaqyada la isugu kala gudbi karo uu aad u yaraanayo.

“Waxaan fahamsanahay inay isku dayi karaan inay weeraraan bartilmaameedyada Kenya ka dib roobabkii ka da’ay qaybaha waqooyi ee dalkaasi kenya,” ayuu yiri sarkaal ka mid ah Ciidamada Kenya oo warbaahinta la hadlay.


Waxa uu sidoo kale sheegay in ciidamadda Sirdoonka ee dalkaasi ay la socdaan dhaq dhaqaaqyada kooxda Shabaab iyo xubnaha ka soo tilaabaya xadka isagoo laamaha amaanka faray iney laba jibaaraan howlgalada oo ay sare u qaadaan feejignanatooda.

“Waxaan isticmaalnaa sirdoon si aan ula socono dhaqdhaqaaqyada gudaha iyo Soomaaliya Waan ognahay sida ay wax u socdaan, waxaana nalagu wargeliyay inay jiraan dhaq-dhaqaaqyo ku wajahan xuduudka”  ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Si kastaba, Kooxda Shabaab ayaa bilowgii bishan gudaha u gashay saldhig weyn oo ciidamada Burundi ay ku lahaayeen deegaanka Ceel-baraf, iyadoo weerarkaas kooxda sheegtay iney ku dishay inkabadan 150 askari, walow saraakiisha Burundi ay qireen dhimashada 30 askari, iyadoo xerada ay ku sugnaayeen xiliga weerarka 160 askari.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment