Sawirro: Axmed Madoobe oo sanad kadib maanta tegay Villa Somalia + Ujeedka

Bulsha:- Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta sanad kadib, gudaha u galay xarunta Villa Soomaaliya, isaga oo kulan gaar ah la yeeshay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Maxamed Ibraahim Macallimuu oo qoraal kooban ka soo saaray booqashada Axmed Madoobe ee Madaxtooyada ayaa yiri “Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa maanta soo gaaray Madaxtooyada Soomaaliya oo ay ugu dambeysay dhamaadka September 2020 markii hishiiskiisa 17 September la gudagaliyay dhaqan galkiisa. Waxaa xafiiskiisa ku qaabilay RW Rooble,”.

Rooble iyo Axmed Madoobe ayaa kulankooda oo saacado badan qaatay uga hadlay xaaladda dalka iyo sidoo kale doorashadii soo dhammaatay.

“Waxa ay ka wada hadleen gebagebada howshii doorashada dalka ee guusha ku soo dhammaatay,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo sidoo kale kulanka ka hadlay ayaa Rooble uga mahad-celiyay sidii uu hoggaamiyay howshii doorashada dalka iyo dhabar adeygii uu muujiyay si uu uga miro dhaliyo doorashadii dalka oo ku soo dhammaaatay si nabad ah.

Kulankan ayaa u muuqday mid dabaal-deg ah iyo sidoo kale is marxabeyn, kadib guushii doorashada Soomaaliya iyo go’aankii laga gaaray doodii xildhibaanada gobolka Gedo, maadaama guddoomiyaha Baarlamaanka oo meel mariyey xubnihii kasoo baxay Ceelwaaq.




Dhinaca kale Axmed Madoobe ayaa maalmihii u dambeeyey ka waday Muqdisho abaabul ku aadan qorshe uu ku wajahayo gobolka Gedo oo gacantiisa ka maqan, wuxuuna doonayaa, isaga oo kaashanaya saaxibadiisa in dowladda cusub ay ciidamada kasoo saarto gobolkaasi.

Soomaaliya ayaa haatan ka gudubtay xaaladdii adkeyd iyo is mariwaagii taagnaa, kadib isbedalka ku yimid hoggaanka Villa Somalia oo mar labaad loo doortay Xasan Sheekh.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment