ROOBLE: Madaxweyne Xasan waxaan leeyahay Milkiile ka ilaali dalkan

Bulsha:- Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo wareysi xasaasi ah siiyey VOA ayaa ka hadlay xaaladda dalka, doorashooyinkii soo dhammaaday iyo dhismaha dowladda cusub.

Rooble ayaa sheegay in waqti adag, kadib uu ku guuleystay inuu qabto doorasho wadar ogol ah, isla-markaana uu kasoo maray marxalado kala duwan.

Ra’iisul wasaaraha ayaa farriin la xiriirta dhismaha dowladda cusub u diray Madaxweynaha mar labaad loo doortay Xasan Sheekh oo maalmaha soo socda xilka la wareegi doono.

Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kula taliyey Madaxweyne Xasan inuu dalka ka ilaaliyo Milkiile, isla-markaana uu isagu qaato go’aannada iyo tallaabooyinka la qaadayo.


“Waxaan kula talinayaa oo kale oo shacabka ay hadda jecel yihiin inaan Madaxweyne Xasan Sheekh kula taliyo waxay tahay Milkiile ka ilaali dalkan,’ ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyey “Adaa mas’uul ka ah waa ku sheegayaa mar koowaad, mar labaad, mar saddexaad Miilkiile dalkaan iskama lahan nin ku keensaday ma jiro Soomaali adiga ayey ku dooratay,”.

Rooble ayaa sidoo kale xusay in Miilkiile uu yahay waxa burburiyey dalkan, ayna tahay in laga gudbo, mas’uuliyaddana laga rabo madaxweynaha iyo ra’iisul wasaarihiisa.

“Walaalow Xasanow waddooyinkii ay Soomaaliya ku duntay waxaa ka mid ah Milikiile go’aanka adiga qaado iyo ra’iisul wasaarahaaga iyo inta mas’uuliyadda markaas kula heyso cid kale haku aaminin,” ayuu markale wareysigan ku yiri Ra’iisul wasaare Rooble.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo la xasuusto dagaalkii siyaasadeed oo uu ra’iisul wasaaruhu la galay madaxweynihii hore ee dalka, Farmaajo iyo la-taliyihiisa amniga qaranka Fahad Yaasiin oo loogu yeeraayey 5 sano ee lasoo dhaafay Miilkiilaha dowladda.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment