Finland iyo Sweden oo si rasmi ah u codsaday ku biirista NATO xilli ay wajahayaan diidmada Turkey

Bulsha:- Finland iyo Sweden ayaa si rasmi ah maanta u codsaday inay xubno ka noqdaan gaashaanbuurta NATO, hase yeeshee waxay wajahayaan diidmada dalka Turkey.

Go’aanka Finland iyo Sweden oo dhex-dhexaad ka ahaa dagaalkii qaboobaa ay ugu biirayaan NATO, ayaa ah mid ka mid isbeddeladii ugu muhiimsanaa ee ku yimaada naqshadda amni ee Yurub muddo tobanaan sano ah.

“Tani waa daqiiqad taariikhi ah, oo ay tahay inaan ka faa’iideysano,” waxaa sidaas yiri xoghayaha guud ee NATO Jens Stoltenberg oo ka hadlay munaasabad ay safiirada dalalkan ku gudbiyeen codsiga oo ka dhacday xarunta NATO ee Brussels.

“Waxaan si diiran usoo dhoweynayaa codsiyada Finland iyo Sweden ay ugu biirayaan NATO. Waxaad tihiin saaxiibadeena ugu dhow, islamarkaana ku biiristiina NATO waxay kordhin doontaa amniga aan wadaagno,” ayuu yiri.

Si kastaba, labadan dal ayaa wajahaya bilo hubanti la’aan ah oo ay tahay inay ka guuleystaan iska caabinta ka dhanka ah codsigooda, ayada oo ay qasab tahay in dhammaan 30-ka dal ee xubnaha ka ah NATO ay ogolaadaan.

Turkey ayaa maalmihii dhowaa muujisay sida ay uga soo horjeedo xubinnimada Sweden iyo Finland, ayada oo sheegtay in labadan dal ay gabbaad siiyaan shakhsiyaad xiriir la leh urur argagixiso, ayna sidoo kale cunaqabateyn hub saareen Ankara kadib duulaankii ay ku qaaday Syria 2019.

Stoltenberg ayaa maanta sheegay inuu rumeysan yahay in arrimahan la xalin karo.

“Waxaa naga go’an inaan ka shaqeyno dhammaan arrimahan oo aan gaarno go’aan deg deg ah,” ayuu yiri Stoltenberg.


Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa ugu baaqay xubnaha NATO inay ixtiraamaan walaacyada Ankara ay ka qabto labadan dal, wuxuuna ku hanjabay inay xanibi doonaan codsiga xubunnimadooda, haddii aanay fulin dalabyadooda.

Ankara ayaa dooneyso in Sweden ay soo masaafuriso xubnaha ka tirsan kooxda PKK ee dalkaas ka dagaalanta oo ay u aqoonsan tahay urur argagixiso.

REUTERS










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment