Ruushka oo jaray gaaska dabiiciga ah ee uu siin jiray Finland 56 Daqiiqo ka hor

Bulsha:- Shirkadda tamarta Gazprom ee Russia ee ayaa Sabtida maanta ah sheegtay in ay joojisay gaaska dabiiciga ah ee ay siin jirtay Finland maadaama dalkaasi uusan ku iibsan lacagta ruble ee Ruushka.

Ruushka ayaa markii uu duullaanka ku qaaday dalka Ukraine 24-kii February waxa uu weydiistay “dalalka aan saaxiibada la aheyn” ee gaaska ka hela oo ay ku jiraan kuwa xubnaha ka ah Midowga Yurub in ay lacagta Ruushka ku iibsadaan.

Gazprom ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in “gabi ahaanba ay joojisay in ay gaas siiso” Finland oo shirkadda tamarta ee dowladda ee Gasum aysan ilaa shalay gaaska ku iibsan lacagta ruble ee Ruushka.

“Laga bilaabo 1-dii April, lacagaha lagu iibsado gaaska waxa ay ahayd in lagu bixiyo Rubles, taasi oo macaamiishana lagu wargeliyay,” ayay tiri Gazprom.

Gazprom ayaa sheegtay in ay 2021-kii Finland siisay 1.49 bilyan oo kuyuubik mitir (cubic metres) oo gaaska dabiiciga ah, kaasi oo u dhigan saddex meelood laba meel isticmaalka gaaska ee dalkaasi.

Laakin isticmaalka gaaska dabiiciga ah ayaa qiyaastii boqolkiiba siddeed ka ah tamarta laga isticmaalo Finland.

Finland ayaa sheegtay in ilo kale ay ka heli doonto gaaska ka dhiman gaar ahaana dhuunta Balticconnector, ee isku xirta Finland iyo Estonia.


Joojinta shixnadaha gaaska ee ay Sabtida maanta ah ayaa daba socota go’aan kan la mid ah oo ay Moscow bishii hore gaaskii ay siin jirtay kaga jartay dalalka Poland iyo Bulgaria.

AFP










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment