Madaxweyne Xasan sheekh maxamuud oo wajahaya culeyskii ugu weynaa

Bulsha:- Qofka Beni aadmka ah Maskaxdiisu waxa ey leedahay Xad ey ku xamili karto, Macluumaadka soo gaarayo. kadibna sida jirka kale waxa ey u baahan tahay in ey Nasato.

Md. Xassan Sheikh waxaa ku soo xoomay Dad leh Talaan ku siinaa.

in ka yar hal usbuuc, waxaa Toos Talo u siiyay in ka badan 11.000 Qof, si Dadbana waxaa isgaarsiinta u soo marsiisay ugu yaraan 30.000 Qof.

Dadka qaar waa sida  Dhakhtarka Cilmi nafsiga oo kale. Macluumaadka uu rabo in uu gudbiyo ayaa isaga Xanuun ku hayo, Marka uu gudbiyo waxa uu dareemaa in Xanuunkii daayay, oo culeys ka degay uuna caafimaaday.

Dadka Talada bixinaayo qaarkood wax aynan Aqoon ayeey Talo ka bixinayaan. Kii Beeraha Bartay waxa uu Talo ka bixinaa Nabadgalyada, kii Nabadgalyada bartay waxa uu Talo ka bixinaa Ganacsiga, kii Makaanik ahaa waxa uu Talo ka bixinayaa Siyaasadda, Taxi Driver isagu wax kasta ayuu Talo ka bixiyaa.

waxaa kale oo jiro kuwo, Talo ku bixinayo Qof aynan si dhab ah aqoon fiican ugu leheyn  in ey Amaanaan, kuwo kalena Qof ay iyagu necab yihiin ayeey ku dirayasn Madaxda,  waxaa kale oo jiro, kuwo wato Talo qorsheeysan  oo  ey ku marin habaabiyaan Madaxdana waa jiraan.


William Churchill oo ahaa Ra’iisul wasaarihii hore ee Ingriiska wakhtigii Dagaalkii 2aad ee Aduunka, ayaa lagu yiri: iyada oo la duqeeynayo Caasimadda  Dalkaaga oo la wareersanyahay ayaad Haddana Gaartay Go’aano wanaagsan oo Dalka lagu Badbaadiyay Sideey ku dhacday, waa maxaay Sirta ka dambeeyso?. waxa uu yiri: Wax weyn ma ahan, Saacado badan ayaan hurdayay,  si Aniga oo Degan aan Go’aan u gaaro, intii Aniga oo dhafray  oo Maskaxda ka dhalay aan Go’aan gaari lahaa.

Haddii aad Madax tahay, Xil kasta oo aad heeyso, Maskaxdaada ka ilaasho kuwa rabo in ey ka dhigtaan Qashin qub.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment