Erdogan oo ku booriyay Sweden in ay joojiso taageerada kooxaha ‘argagixisada’

Bulsha:- Madaxtooyada Turkiga ayaa Sabtida maanta ah sheegtay in Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu ku booriyay ra'iisul wasaaraha Sweden Magdalena Andersson in ay qaado “tallaabo dhab ah” oo lagu soo afjarayo taageerada dhaqaale iyo siyaasadeed ee kooxaha “argagixisada ah”.

Erdogan oo khadka taleefoonka kula hadlay Andersson ayaa yiri “taageerada siyaasadeed, dhaqaale iyo hub ee Sweden ay siiso ururada argagixisada waa in la joojiyo” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Turkiga ayaa ku hanjabay in uu hor istaagi doono doonista Sweden iyo Finland ay ku rabaan in ay xubin ka noqdaan isbahaysiga NATO, isagoo ku eedeeyay labada dal in ay taageeraan xisbiga la mamnuucay ee Kurdistan Workers' Party (PKK) ee ku jira liiska ururada argagixisada ee Ankara iyo xulafadeeda reer galbeedka.

Erdogan waxa uu sheegay in Turkigu uu Sweden ka filayo in ay “qaaddo tallaabooyin dhab ah” oo muujinaya in ay Turkiga la wadaagto welwelka Ankara ee PKK iyo faracyadeeda dalalka Ciraaq iyo Suuriya, sida lagu sheegay warka ka soo baxay madaxtooyada Turkiga.

Erdogan ayaa sidoo kale u sheegay ra'iisul wasaaraha Sweden in la “qaado xayiraadaha warshadaha difaaca ee lagu soo rogay Turkiga” ka dib howlgalkii ciidamada Turkigu ay sanadkii 2019-kii ku qaadeen Suuriya.

Duullaanka uu Ruushku ku qaaday Ukraine bishii February ayaa beddelay fikirka siyaasadeed ee labada dal ee Waqooyiga Yurub ay ka qabeen in ay ku biiraan isbahaysigan militari ee reer Galbeedka.

Xubinimada ayaa u baahan in ay ogolaadaan dhammaan 30-ka dal ee xubnaha ka ah gaashaanbuurta, laakin Turkiga ayaa howshan caqabad ku noqon kara.

Sweden iyo Finland, ayaa in muddo ah ka dheeraan jiray in ay ku biiraan NATO taasi oo ku saabsan siyaasaddooda soo jirtay muddada fog ee ay kaga dhowrsanayeen ficillada ka careysiin kara Ruushka.


Hase ahaatee labadan dal ayaa u jiheystay in ay ka mid noqdaan NATO ka dib markii dalka ay deriska yihiin ee Ruushku uu weeraray Ukraine oo ku guuldareysatay dadaal ay ku dooneyso in ay xubin ka noqoto NATO.

AFP










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment