Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Madaxda Maamul goboleedyada dalka ka jira

Bulsha:- Madaxweynaha cusub ee dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan wadajir ah la qaatay madaxda shanta maamul goboleed ee dalka ka jira ,maalin kaddib markii loo doortay Madaxweynaha dalka.

Kulankan ayaa ahaa qado sharaf madaxweynaha cusub ee Soomaaliya u sameeyay madaxda dowlad goboleedyada dalka oo ku wada sugan Muqdisho, waxa ayna madaxda dowlad goboleedyada mar kale ugu hambalyeeyeen Xasan Sheekh guusha uu gaaray.

Madaxda dowlad goboleedyada dalka ayaa dhammaan ku sugan magaalada Muqdisho kuwaa oo u joogay ololaha doorashada , waxaana madaxdaasi kamid ah Madaxweynaha Puntland oo isagu kamid ahaa musharaxiinta madaxweynaha.

Maamul goboleedyada qaar gaar ahaan maamulada Jubbaland, Puntland iyo Hirshabelle ayaa Xasan Sheekh Maxamuud garab ka siiyay guushii uu doorashada ka gaaray, halka Madaxda Galmudug iyo Koonfur Galbeed dhisayeen Madaxweyne Farmaajo.


Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii la doortay kadib ballanqaaday in uusan sameyn doonin wax aargoosi ah, waxaana dadka siyaasadda falanqeeya aaminsan yihiin in culeesyo Wajihi doonaan Madaxda Galmudug iyo KG.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment