Gabar Aabaheed Sabab layaab leh Maxkamad uga dacweesay

Bulsha:- Gabar dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Xaliima Yunusa kana soo jeeda dalka Nageria ayaa aabaheed ka dacweesay maxkamad, kaddib markii uu u diiday in uu u guuriyo nin ay jeceyl wadaag ahaanyeen oo ay ula timid.

Xaliima Yunusa ayaa aabaheed ka dacweesay maxkamad Shareecada Islaamka ah oo ku taalla gobolka Kaduna ee dalka Nigeria, waxa ayna sheegtay in aabaheed kahor istaagay in ay guursato ninka ay jeceshahay.

Gabadhan ayaa warbaahinta dalka Nageria u sheegtay in ay aad u jeceshahay saaxiibkeed oo lagu magacaabo Bashiir, waxa ayna tilmaantay in waalidiinteeda u diideen in ay guursato ninkaasi nolosheeda ku aamintay.

Aabaha gabadhiisa dacweesay ayaa maxkamada horteeda ka cadeeyay in uu la socdo xiriirka ka dhaxeeya gabadhiisa iyo ninka ay ula timid, waxa uuna xusay in sababta uu guurkaasi u diiday tahay in wiilka uusan soo buuxin shuruudaha guurka .

Waxa uu sheegay aabaha Xaliima in wiilka gabadhiisa ula timid uu soo dhaweeyay uuna ka dalbaday in aabihiis la yimaado si uu ugu guuriyo , hasa ahaatee wiilkan uusan dib ugu soo laaban muddo sannad ah.

Xaliima iyo saaxiibkeed ayaa la sheegay in markii dambe isla baxsadeen ayna maqnaayeen muddo saddex maalin ah, waxaana lamaanahan markii dambe lasoo qabtay lagu xiray saldhig booliis oo markii dambe laga sii daayay.


Aabaha maxkamadda ka dacweesay gabadhiisa ayaa sidoo kale sheegay in uu la kulmay aabaha wiilka gabadhiisa jeceshahay balse uusan raali ka aheyn guurka ,waxa uuna cadeeyay in aysan xaqiisa ka jirin caqabada guurka lamaanahan is jecel.

Garsooraha maxkamada kiiskan qaadeysa, ayaa markii uu dhegeystay labada dhinac, wuxuu ku amray aabbaha wiilka, Yuusuf, inuu oggolaado in wiilkiisa uu guursado Xaliima haddii uu diidana ay maxkamaddu isu guurineyso lammaanahan.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment