Uhuru oo war kasoo saaray doorashada Xasan Sheekh, ballanqaadna sameeyey

Bulsha:- Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa u hambalyeeyey madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ee xalay la doortay Xasan Sheekh Maxamuud, oo mar kale kusoo laabtay hoggaanka dalka. 

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Kenya ayaa lagu yiri “Madaxweyne Uhuru Kenyatta wuxuu u hambalyeeyey madaxweynaha cusub ee loo doortay Jamhuuriyadda federaalka Soomalaiya, Xasan Sheekh Maxamuud.” 

“Wuxuu fariintiisa hambalyada, madaxweyne Kenyatta ugu rajeeyey madaxweynaha cusub caafimaad wanaagsan iyo guul isaga oo la wareegaya hoggaanka, wuxuuna u xaqiijiyey sii wadista Kenya ee iskaashiga iyo saaxiibtnimada.” 

Uhuru Kenyatta iyo madaxweynaha xilka ka degaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa ka dhaxeeyey xiriir aad u xun oo ka dhashay taageerada Kenya ee madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, iyo Farmaajo oo joojiyey khaatkii Kenya, kuna beddelay kan Ethiopia oo loo xiray dad ay isku dhow yihiin. 


Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa sidoo kale horey uga dhaxeeyey xiisad ka dhalatay kiiskii badda ee Soomaaliya ay ku adkaatay, kaasi oo Maxkamadda ICJ uu geeyey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan ayaa ballan-qaaday inuu Soomaaliya ka dhigi doono “dal heshiis ah, dunidana heshiis la ah.”










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment