Dagaalka Ukraine: dumarkii iyo caruurtii oo laga soo wada saaray Mariupol

Bulsha:- Dhammaan dumarkii, caruurtii iyo dadkii da’da ahaa ayaa laga daad gureeyey warshadda birta ee magaalada Mariupol oo ay in muddo ah ku hareersanaayeen ciidanka Ruushku, sida ay soo warisay Anna Chernikova, wariyaha VOAda ee magaalada Kyiv.

Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Reuters, warshadda Azovstal oo xiligii Soofiyeetka ka soo hartay ayaa ahayd meeshii ugu dambeysay ee ciidanka Ukraine ay kaga hareen magaalada Mariupol. Waxay astaan u noqotay iska caabinta duullaanka ballaaran ee Ruushku doonayo inuu ku qabsado dhul ballaaran oo ku yaalla bariga iyo koonfurta Ukraine, dagaal hadda galay toddobaadkiisii 10-aad.

Iryna Vereshchuk, kuxigeenka RW-aha ee Ukraine ayaa fariin ay qortay boggeeda Telegramka waxay ku tiri “Hawlgalka bani’aadanimimo ee qeybtan magaalada Maruiopol wuu soo idlaaday.”

Qaramada Midoobay iyo Hay’adda Laanqeyrta Cas oo hormood ka ah dadaalada badbaadada ayaanan iyagu xaqiijinin in hawlgalkii soo afjarmay.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment