Dowladaha Ruushka iyo Ukraine oo soo saara 40% qamadiga ka Afrika laga isticmaalo

Bulsha:- Tan iyo wixii ka dambeeyey, markii uu bilawday duullaanka Ruushka ee Ukraine waxaa marba marka ka dambaysa cirka isku sii shareerayey qiimaha cuntada ee dunida, iyada oo Ukraine iyo Ruushku ay ka mid yihiin dalalka soo saara qamadiga ugu badan caalamka, sidoo kale Ukraine iyo Ruushka ayaa debedda u dhoofin jiray waxyaabaha loo isticmaalo bacriminta dalaga beeraha.

Qiimaha sarreenka ayaa bishii March gaadhay heerkii ugu sarreeyey muddo 14 sano ah, halka qiimaha gallayduna ay gaadhay qiimihii ugu sarreeyey ee abid la diiwaangeliyo, sida ay sheegeen khubaro caalami ah oo qaabilsan la socodka qiimaha cuntada ee dunida oo loo soo gaabiyo IPES.

Qiimaha sare u kacay ee cuntada ayaa si gaar ah u taabtay dadka saboolka ah, kuwaas oo aan awoodayn inay iibsadaan cuntada qaaliga ah, waxaana laga cabsi qabaa inay arrintani dabka ku sii shiddo xasilooni darrada iyo khilaafaadka ka jira meelo badan oo caalamka ah.

Dalalka Ruushka iyo Ukraine waxay dhoofiyaan 30% sareenka dunida laga isticmaalo, hase ahaatee waxaa haatan hoos u dhigay dagaalada ka socda dalka Ukraine.




Dalalka sida gaarka ah ugu tiirsan wax-soosaarka dalka Ukraine waxaa ka mid ah, dalalka ku yaalla qaaradda Afrika, halkaas oo 40% sareenka laga isticmaalo qaaradda Afrika laga keeno dalalka Ukraine iyo Ruushka. Sare u kaca ku yimi qiimaha sarreenka meelaha uu sida gaarka ah u taabtay waxaa ka mida qiimaha roodhida oo gaadhay meelihii ugu sarreeyey, sida dalka Lubnaan oo kale oo qiimaha rootida ay ku kordheen 70% intii hore loogu iibin jiray.

Reuters










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment