Milatariga Xoogga dalka ee Soomaaliya oo soo bandhigay laba kamid ah koxoda Shabaab

Bulsha:- Ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan gobolka Gedo, ayaa maanta soo bandhigay laba kamid ah dagaal yahanada Al-Shabaab, kuwaasoo ay sheegeen iney isu soo dhiibeen ciidamada dowladda, iyadoo lagu soo dhaweeyay magaalada Baardheere oo kamid ah degmooyinka ay maamuli jireen kooxdan.

Labada ragga ah ee isa soo dhiibay oo lagu kala magacaabo IbraahimXasan Cabdi Yaasir iyo Siidoow Xasan Cali Shaafici ayaa loo soo bandhigay warbaahinta, iyagoo watay dhar milatari ah, waxeyna sheegeen iney kooxda Shabaab uga soo tageen kadib markii ay u adkeysan waayeen dhibaatada ay ku hayaan Shacabka, sida ay hadalka u dhigeen.

Mas’uuliyiinta gobolka Gedo iyo saraakiisha ciidamada oo goobta ka hadlay ayaa dhankooda sheegay iney ugu baaqayaan xubnaha Shabaab ee duleedyada Gedo ku dhuumaaleysanaya iney isu soo dhiibaan ciidamada dowladda, iyagoo balan-qaaday iney amnigooda damaanad qaadayaan oo ay dadkooda dhinac ka raaci doonaan.


Si kastaba, Deegaano kamid ah Gedo waxaa wali gacanta ku heysas Shabaab, halkaasoo ay ka soo abaabulaan weerarada ku dhufo ka dhaqaaqda ah ee ay ka geystaan saldhigyada ciidamadda dowladda iyo kuwa Kenya ee qeybta ka aha howlgalka ATMIS ee ka socda Soomaaliya.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment