Guddiga Doorashooyinka Federal oo u digey xubno ka mid ah oo gaaray Garbahaarey

Bulsha:-Guddoonka  Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT ayaa digniin u direy xubno ka mid ah guddiga FEIT oo gaaray magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Qoraal uu soo saaray guddiga ayaa ku sheegay in xubin walba oo guddigan FEIT ka tirsan oo qaada talaabo aan waafaqsaneyn go’aannada guddiga ee ku sifooba wax caqabad ku ah hanaanka geedi socodka iyo dhameystirka doorashooyinka, cawaaqib xumada ka dhalatana ay masuuliyadeeda iyagu qaadi doonaan.

Warqadda kasoo baxday Guddoonka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT ayaa sitoos ah ugu socota Xubno kamid ah Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ee shalay tegay degmada Garbaahareey, kuwaas oo sheegay inay doorashada 16 kursi halkaasi ku qaban doonaan.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment