Erdogan oo dhiggiisa Irsael u sheegay 'inuu ka carooday rabshadaha Al-Aqsa'

Bulsha:- Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan ayaa Talaadadii sheegay inuu ku wargeliyay dhiggiisa Israel Isaac Herzog inuu aad uga xumaaday falastiiniyiinta lagu dhaawacay ama lagu dilay Daanta Galbeed iyo Masjidka Al-Aqsa inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Tan iyo Jimcihii, Al Aqsa ayaa la arkayay iska horimaadyo u dhexeeya dhagax-tuurayaasha falastiiniyiinta iyo booliiska rabshadaha ee Israel, waxaana Jimcihii, ugu yaraan 152 falastiiniyiin ah ku dhaawacameen isku dhacyo ay booliska Israa’iil kula galeen gudaha dhismaha masjidka, taasoo aheyd tii ugu dambaysay ee ka dhalatay rabshado sare u qaaday cabsida laga qabo in ay dib ugu laabtaan iskahorimaad ballaaran.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ayuu Erdogan ku sheegay in labada hoggaamiye ay ka wadahadleen dhacdooyinkii u dambeeyay ee ay sababeen "qaar ka mid ah kooxaha xagjirka ah ee Israa'iil iyo ciidamada ammaanka" iyagoo ku wada xiriiray khadka taleefoonka, waxaana wadahadalkan uu ku soo beegmayaa xilli ay socdaan dadaallo lagu doonayo in caadi looga dhigo xiriirka labada dal.

"Weerarradii ay kooxaha xagjirka ah" ka geysteen Al-Aqsa maalmihii la soo dhaafay iyo rabshadaha Gaza ku faafay ayaan sidoo kale ka xumaaday" ayuu Erdogan u sheegay Herzog.


Erdogan waxa uu sheegay in uu sido kale "uu ku nuuxnuuxsaday sida ay lagama maarmaanka u tahay in aan la oggolaan daandaansiga iyo hanjabaadaha ka dhanka ah maqaamka iyo cibaadada Masjidka Al-Aqsa inta lagu jiro wakhtigan xasaasiga ah."

Reuters










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment