Xildhibaan Jindi oo ka hadlay wararka sheegaya inuu masuul ka ahaa dagaalkii Beledweyn.

Bulsha:- Xildhibaan Cabdirisaaq Axmed Maxamed Jindi oo kamid ah musharixiinta kuraas doonta ah ee ku sugan Beledweyn ayaa iska fogeeyay inuu mas’uul ka ahaa dagaal Talaadadii ka dhacay magaalada Beledweyn, kaasoo sababay dhimashada laba askari iyo dhaawaca ku dhowaad 5 ruux oo kale.

Mr. Jindi ayaa sheegay iney ka war heleen rasaas ka dhaceysa afaafka hore ee Madaxtooyada (Lama Galaay), halkaasi oo ay dagan yahiin Madaxda ugu sarreeya Maamulka HirShabeellle, sidoo kalana xiligaasi uu shir uga socday inta badan musharixiinta u taagan kuraasta 11-ka ah ee weli taalla Magaaladaas iyo madaxweyne kuxigeenka Yuusuf Dabageed.

“Shirka oo gabagabo ku sii dhow ayey albaabka madaxtooyada ka bilaabatay rasaas aad la isugu riday, argagax badan ayaa jiray, ma jirin cid war ka heysay waxa socda iyo halka laga soo abaabulay,” ayuu yiri xildhibaanka oo u waramay Idaacadda Kulmiye.

Xildhibaan Cabdirisaaq Axmed Maxamed Jindi ayaa dhinaca kale ka hadlay wararka ku aadan in maleeshiyaad qaab qabiil u abaabulan oo isaga ku beel ah ay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wadaan xarunta gobolka Hiiraan, kuwaasoo diidan in shaqsiyaad gaara loo xiro kursiga uu isaga ku fadhiyo.


“Haba yaraatee ma jiraan wax aniga ama dadka aan metelo ku kalifaya inay hub qaataan oo wax laayaan oo arbushaad intaas la eg ay u soo baxaan, marka wixii dhacay ma naqaano cida geysatay iyo sababtii ka dambeysay,” ayuu yiri Cabdirisaaq Jindi.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment