Muxuu yahay qorsha cusub ee bixitaanka AMISOM ee loo gudbiyay Golaha Ammaanka?

Bulsha:- Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa Golaha AMmaanka ku-boorriyay in aan la dhimin shaqaalaha howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika Soomaaliya ee AMISOM illaa dhammaadka sanadkan, sida uu ku sheegay warqad ay heshay wakaaladda wararka ee AFP Talaadadii.

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa ka kooban 20,000 oo askari, booliis iyo dad rayid ah, kuwaas oo loo xilsaaray inay taageeraan dowladda Soomaaliya ee dagaalka ay kula jirto Al-shabaab.

Hawlgalka AMISOM ayaa ku eg 31-ka Maarso, laakiin Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa in 30-ka bishan March ay u codeeyaan in AMISOM lagu beddelo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

Waraaqdda Guterres oo Isniintii loo gudbiyay Golaha Ammaanka, ayuu ku sheegay inuu doorbiday qorshe si tartiib-tartiib ah loogu dhimayo ATMIS oo ka kooban afar weji, “si awood iyo taageero loogu siiyo ciidamada amniga Soomaaliya, si ay u qaataan mas’uuliyadda koowaad ee amniga Soomaaliya dhammaadka 2023-ka", iyadoo dhammaan ciidmada howlgalka AMISOM ay baxayaan 2024.

Xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa intaas ku daray in sida uu qorshuhu yahay, dhimista ugu horreysa ee ATMIS ee 2,000 oo askari aysan bilaaban doonin ilaa iyo wixii ka dambeeya bisha Diseembar 2022, iyada oo tirada mid ka badanna la dhimi donoo marxaladaha kale ee bixitaanka.

"Waa muhiim in tirada askarta ee hadda jirta aan la dhimin illaa dhammaadka wejiga koowaad, si loo hubiyo in guulihii adkaa ee la gaaray la ilaaliyo, lana oggolaado dib u habeynta howlgalka, iyadoo aan la carqaladeynin amnig hadda jira," ayuu Guterres ku sharaxay warqaddiisa.


Iyadoo AMISOM ay si gaar ah u maalgeliyaan Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub, haddana warqadda Guterres ma sheegin maalgelinta gaarka ah ee howlagalka cusub ee ATMIS.


"Waxaan ka codsanayaa beesha caalamka inay sii wadaan taageeradooda, dhaqaale ku filanna la siiyo ATMIS iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya, iyo sidoo kale in la siiyo awoodo gaar ah," ayuu yiri Guterres, isagoo intaas ku daray inuu uga mahadcelinayo deeqaha ay xilligan saaxibada Soomaaliya ku bixinayaan.

Hindisahan ayaa la filayay in lasoo gaba-gabeeyo sannadkii hore, laakiin khilaaf weyn oo u dhexeeyay Soomaaliya iyo Midowga Afrika dartiis ayaa dib u dhigay, iyadoo qorshahan dhawaan la isku afgartay, sida ay sheegeen diblamaasiyiintu.

AP










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment