DFS oo sheegtay in dagaal lagu qabtay Saraakiil katirsan Al-Shabaab

Bulsha:- Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay wehlinayeen kuwo katirsan daraawiishta Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay degaano hoostaga degmada Jamaame oo katirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Intii ay Ciidamada howlgalka kujireen ayaa waxaa dagaal uu dhexmaray Xubno katirsan Ururka-Shabaab, kaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiil katirsan Ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa ay sheegeen inay dagaalka ku qabteen lix kamid ah Saraakiisha Al-Shabaab, sidoo kalena ay dileen 10 dagaalyahan oo katirsan Ururka Al-Shabaab intii uu socday dagaalka.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab ilaa iyo inta ay ka saarayaan degmooyinka igo degaannada ay weli kaga sugan yihiin Gobolka Jubbada Hoose.




Inta badan Ciidamada xoooga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa howlgallo Wadajir ah waxaa ay ka fuliyaan degaano iyo degmooyin kuyaalla gobolada Jubbooyinka balse ay mararka qaar weeraro kala kulmaan Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment