Deg Deg: Maxaa ka jira Cali Guudlaawe in ku xayiran magaalada Baladweyn

Bulsha:- Wararka ka imaanaya xarunta Hiiraan ee Baladweyn ayaa sheegaya in madaxweynaha Hirshabellle Cali Guudlaawe la dhigay xabsi guri, laguna xayiray gudaha magaalada iyada oo laga hor istaagay safar uu ugu bixi lahaa caasimadda maamulka ee Jowhar.

Ilo xog-ogaal ah oo ku sugan Baladweyn ayaa u xaqiijiyey Goobjoog News xayiraadda madaxweynaha iyaga oo intaas ku daray inuu sii xoogeystay khilaafka u dhaxeeya Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Dabageed.

Saacado sii horeysay ayaa waxaa magaalada Baladweyn buux dhaafiyey gaadiidka dagaalka mucaaradka iyada oo dagaal dhacay ay dhinteen ugu yaraan 6 lix.


Dooddan ayaa dhalay kadib markii Guudlaawe uu codsaday saddex maalin uu ku tago Jowhar, isaga oo dib u dhigay doorashada xildhibaannada, taasi oo laga diiday, muuqatana in hadda la doonayo inuu qasab ku qabto doorashada kuraasta harsan.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment