Xarunta Telefishinka Qaranka Ukraine oo la duqeeyey iyo dad ku dhintay (Sawirro)

Bulsha:- Milateriga Ruushka ayaa duqeeyey anteenoyinka Xarunta Tv-ga Qaranka Ukraine duqaynta ka hor ayay Ruushka u digeen dadka caasimada Kyiv ku nool

Kooxaha gargaarka degdega ah ee Ukraine ayaa waxay sheegeen in shan ruux ay ku dhimatay weerar Ruushku ku qaaday anteenada television ka Kyiv.

Ma cadda in anteenada la beegsaday maadaama ay wali taagan tahay, laakiin qaraxa gantaalka wuxuu hawada ka saaray qaar kamid ah warbaahinta Kyiv.

Waa Maalintii lixaad gulufka dagaal ee Ruushku ku hayo Ukraine, dadka ka faalooda dagaalada ayaa sheegaya in sababaha hakiyey weerarka Ruushka ay tahay iyadoo ciidamadu la kulmeen iska caabin xooggan ayna u baahdeen inay dib isku soo abaabulaan.

Ciidankii ugu badnaa oo wata boqollaal kolonyo gaadiid ah oo xiriirsan 60km ayaa gaaray hareeraha magaalada caasimadda ah ee Kyiv, tani waxay ka macno tahay isku daygii ugu dambeeyey ee Ruushku ku doonayo inuu ku qabsado xarunta dalka. Waxay u badan tahay inay qabsadaan laakiin khasaare naf iyo maalba leh ayay ku gaari karaan taas.
Dhinaca kale, Magaalada dhacda waqooyiga bari ee Okhtyrka gantaal ciidamada Ruushku ku dhufteen xarun ciidamada Ukraine leeyihiin waxaa ku dhintay 70 askari, sidaasi waxaa lagu sheegay war lagu qoray barta Twitter-ka Baarlamanka Ukraine, waxaa lagu tilmaamay askarta geeriyootay “Geesiyaal”.

Ruushku meelaha uu ka xoojiyey weerarkiisa waxaa ka mid ah magaalada Kharkiv oo ku taal waqooyi galbeed, halkaasi oo 48-kii saac ee la soo dhaafay ay ka dhaceen dagaalo lagu riiqmay.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment