Wararkii ugu dambeeyay ee duullaanka Ruuska ee Ukraine

Bulsha:- Ugu yaraan 21 qof ayaa ku dhintay 112 kalena waa ay ku dhaawacmeen duqeymo 24-kii saac ee la soo dhaafay ka dhacay magaalada Kharkiv ee bariga Ukraine, sida uu Arbacadii sheegay guddoomiyaha gobolka Oleg Synegubov.

Maamulka magaaladan ayaa sheegay in gantaalaha Ruushka ay ku dhaceen bartamaha magaalada labaad ee ugu weyn Ukraine, oo ay ku jiraan xaafado la deggan yahay iyo xarunta maamulka gobolka.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa qortay ciidamada cirka ee Ruushka ayaa ka degeen magaalada labaad ee ugu weyn Ukraine ee Kharkiv ee bariga dalkaas, waxaana imaanshaha ciidamada Ruushku ay keentay isku dhac markiibiiba jidadka magaalada ku dhexmaray shacabka oo kaashanaya ciidanka booliska iyo ciidanka Ruushka.

Ruushka ayaa sidoo kale xalay ka geystay caasimadda Ukraine ee Kyiv duqeymo culus oo cirka ah, waxaana tan iyo markii uu billowda duullaanka Ruushka muddo toddobaad ah ay Mosccow isku dayeysaa inay qabsato magaalada Kyiv.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin ku tilmaamay "kaligii taliye" xilli uu xalay jeedinayay khudbaddiisa sanadlaha ah ee State of the Union, toddobaad kadib markii Moscow ay weerartay Ukraine.

“Putin haatan wuu ka takooran yahay dunida si uusan weligiis arag, annaga oo wadajirna oo kaashanayna gaashaabuurteenna waxaan meeelmarinay cunaqabatayn dhaqaale oo xoog leh; waxaan bangiyada ugu waaweyn Ruushka ka goynaynaa hannaankii lacagaha caalamiga ah” Ayuu yiri Biden.


Qaar ka mid ah shirkadaha ugu caansan Maraykanka oo ay ka mid yihiin Apple, Google, Ford, Harley-Davidson, Exxon Mobil iyo Boeing ayaa ka horyimid duullaanka Ruushka ee Ukraine, iyagoo joojiyay gebi ahaanba adeegyadii kala duwaan iyo xiriirkii gacansi ee kala dhexeeyay Ruushka.

Reuters, AP










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment