Gudoomiyaha Gedo oo ka horyimid guddigii uu magacaabay ra’iisul wasaare Rooble.

Bulsha:- Guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo, Axmed Buulle Gareed  ayaa ka horyimid guddigii uu todobaadkan ra’iisul wasaare Rooble u magacaabay qiimeynaa in magaalada Garbahaareey oo ah deegaan dooradhada labaad ee Jubaland.

Shir jaraa’id uu u qabtay wariyayaasha ayuu ku sheegay ineysan muuqan sabab guddi kale loo sameeyo maadaama buu yiri ay shaqeynayaan saddex guddi, kuwaasoo sida uu rumeysan yahay ku filan wixii tabasha ah xalinteeda.

“Doorashada saddex guddi ayey leedahay sida sharciga ah waa Duddiga Doorashada ee Heer Federaal, waa Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Guddiga Heer State sidexdaas waayey guddiyada doorashooyinka,” ayuu ku yiri shirkiisa jaraa’id guddoomiyaha Gedo.

Axmed Buulle Gareed Guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo,ayaa dhinaca kale eedeyn u jeediyay gudoomiyaha guddiga loo saaray xaalada Garbahaareey Abuukaate Cumar Dhageey, isagoo ku sifeeyay shaqsi aan rabin in doorasho lagu qabto Gedo.

“Waxaad noo soo dirtay ra’iisul wasaare saddexdaas qof aan aheyn ninka la yiraahdo Abuukaate Cumar Dhagey illaa iyo hadda meel uu ka socdo iyo howl uu qabanayo iyo door uu ku leeyahay doorashada ma garaneyno mana na naqaano,” ayuu raaciyey











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment