Maamulka Hir-Shabeelle oo shaaciyay Jadwalka doorashada 11 Kursi

Bulsha:- Guddiga hirgelinta doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Maamulka Hir-Sabeelle ayaa shaaciyay jadwalka doorashada 11 kursi ee ugu Dambeeysa kuraasta deegaan doorashadoodu tahay Magaalada Beledweyne.

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in 5-ta ilaa lixda Bishaan ay soo gudbin doonaan Ergada, lana hubin doono kadibna la diiwaangelin doono Ergada si loo tababaro.

Sidoo kale Guddiga waxaa ay sheegeen in 7-Bishaan la diiwaangelin doono musharrixiinta ku tartami doonta 11 Kursi halka 8-da ilaa 9-ka Bisha ay qaban doonaan doorashada kuraasta kala ah.

1: Hop#004 oo uu ku fadhiyo Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone).

2: Hop#010 oo uu hadda ku fadhiyo Cabdirisaaq Maxamed Axmed (JINDI).

3: Hop#011 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyo Wasiirkii hore ee Amniga Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

4: Hop#019 oo ay ku fadhiso Farxiyo Muumin Cali.

5: Hop#030 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyo Daahir Amiin Jeesoow.

6: Hop#039 oo ay ku fadhiso Drs Maryan Axmed Haaruun.

7: Hop#058 oo uu hadda ku fadhiyo Nuur Iidow Beeyle.

8: Hop#059 oo ay ku fadhiso Samiiro Xasan Cabdulle.

9: Hop#063 oo uu ku fadhiyo Wasiirkii hore ee Waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre.

10: Hop#066 oo uu ku fadhiyo Cumar Cismaan Waasuge.

11: Hop#135 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ay ku fadhiso Aamino Maxamed Cabdi.

Maamulka Hir-Shabeelle ayaa la filayaa in uu dhawaan soo geba-gabeeyo doorashada kuraasta taalla beledweyne kadibna uu qabto doorashada 5-ta Kursi ee uga harsan kuraasta taalla Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle.





Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment