Mareykanka oo markale ka digey weerar Al-Shabaab ay ku qaadaan hawada Kenya

Bulsha:-  Dowlada Mareykanka ayaa dib u cusbooneysiisay digniintii ay u jeedineysay shirkadaha diyaaradaha rayidka ee ku duulaya hawada Kenya si ay uga digtoonaadaan weerarrada suurtagalka ah ee kooxda Alshabaab, taasoo sii kordhin karta walaaca dalxiiska ee billaabaya inay ka soo kabtaan masiibada Covid-19.

Hay’adda duulista hawada ee dawladda Faderaalka ee Maraykanka (FAA) ayaa Sabtidii sheegtay in la-talinta lagu wargelinayo qiimayno la sameeyay in kooxda argagixisada ah ee fadhigeedu yahay Soomaaliya, ee Al-Shabaab, ay weli khatar ku tahay Kenya oo ay weli haystaan ​​hub awood u leh inay ku garaacaan hawada sare ee diyaaradaha. ilaa 25,000 feet ama cagood — taasoo khatar gelinaysa soo degista iyo duulista diyaaradaha, gaar ahaan marinka caanka ah ee duullimaadyada ee mara waqooyi bari Kenya iyo Soomaaliya.

“Hubka noocan oo kale ah wuxuu bartilmaameedsan karaa diyaaradaha joog hoose, oo ay ku jiraan inta lagu jiro marxaladaha imaatinka iyo bixida ee duulimaadka, amaba garoommada iyo diyaaradaha ee dhulka, gaar ahaan garoommada ku yaal bariga 40 darajo bari.”ayaa lagu yiri digniintan cusub.
Digniinta FAA ay sheegeyso waxaa ka mid ah duulimaadyada isku xira Nairobi iyo wadamada bariga fog sida Dubai (UAE), India, iyo China, iyo meelaha kale ee ay u safraan shirkadaha waaweyn.

Diyaaradaha isaga kala goosha waddooyinkaasi ayaa isaga kala goosha gobollada bari ee Kenya sida Gaarisa, waxayna ka baxaan dalka Soomaaliya deriska la ah.

Al-Shabaab ayaa si cad u shaacisay in ay qaadayso weeraro ay uga aargoosanayso howlgallada ka dhanka ah argagixisada ee Kenya ay ka wado Soomaaliya, kuwaas oo ay ka fuliyaan qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.


Bishii Janaayo 2020 Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhig ciidamada Mareykanka ku leeyihiin Lamu waxayna ku dileen hal askari oo Mareykan ah iyo labo qandaraasleyaal Mareykan ah iyagoo sidoo kale ku burburiyay diyaarado yiil garoonka.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment