Maxaa ka soo baxay kulankii madaxweyne Deni iyo Maxamuud Diyaano ee Boosaaso?

Bulsha:- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya natiijada kulan madaxtooyada Boosaas ku dhexmaray madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni iyo Agaasimihii uu xilka ka qaaday ee PSF Maxamuud Cismaan Diyaano, iyadoo kulanka ay goob joog ka ahaayeen qaar kamida Ismida Puntland uu hormuud u ahaa Boqor Burhaan.

Warar hordhac ah oo laga helay kulanka ayaa sheegaya in fadhigii u horeeyay ee labadaasi mas’uul uu ku soo dhamaaday natiijo la’aan, walow kulan kale oo lagu sii ambaqaadayo wadahadalka ay ku balameen gelinka danbe ee maanta oo Arbaca ah.

Madaxweyne Deni ayaa Ina Diyaano u soo jeediyay inuu aqbalo xil ka qaadista uu ku sameeyay, maamulkiisana diyaar u yahay wax walba oo uu dalbado, balse taliyihii PSF ayaa iska diiday dalabkaas, isagoo madaxweyne Deni u soo jeediyay inuu aqbalo bayaankii u danbeeyay ee ka soo baxay Ismida Puntland ee ahaa inuu xafiiska iska sii joogo, isaga iyo madaxweynahana ay ka heshiiyaan khilaafaadkooda.

Lama oga waxa ka soo bixi kara kulanka ay galabta ku balansan yihiin Deni iyo Maxamuud Diyaano, iyadoo khilaafka labadaasi shaqsi uu sabab u yahay in Boosaaso aan lagu qaban doorashada 16-ka kursi ee taala magaalada,, maadaama ay tahay deegaan doorashada labaad ee maamulka Puntland.


Madaxweyne Deni oo mudo todbaad ku dhow ku sugan xarunta gobolka Bari, ayaa ujeedka socdaalkiisa waxaa qeyb ka ah xal u helista arinta PSF oo sababtay inuu dagaal dhowr cisho socday uu magaalada Boosaaso ka dhaco, iyadoo dagaalkaasina sababay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac, barakac iyo bur bur hantiyadeed.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment