Khilaafka Farmaajo iyo Cali Guudlaawe oo soo shaacbaxay

Bulsha:- Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa ka furtay Kooxda Villa Soomaaliya iyada oo ay Hirshabeelle ay ka mid ahayd meelaha ay gacanta ugu jirto Farmaajo balse waxaa dhacday si ka duwan sidii la filayay.

Marka Laga reebo in Yar waxaa kuraastii taalay Baledweyne oo gaarayay 25 Kursi kusoo wada baxay Mucaaradka Madaxweyne Farmaajo taas oo ka dhigan in Cali Guudlaawe uu balanta uga baxay Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ee Guudlaawe iyo Farmaajo ay isku khilaafeen arrintaan sababtana waa Cali Guudlaawe oo doonaya in uusan dakano u galin nidaamka waqtiga ka dhammaaday.

Xubnaha Soo baxay waa kuwii ugu mucaaradnimada badnaa Dowladda hadda jirta waxaana ka mid ah shantaan xubnood.

1. HOP#032 Khaliif Cabdi Cumar Wasiirka Ganacsiga Xisbiga Sheekh Shariif Himilo.

2. HOP#031 Yuusuf Gamadiid. Xisbiga Shariif waa Himilo.

3. HOP#022 Cismaan Maxamed Cabdi (Daalo) waa Xisbiga Kheyre Waxaana uu ka mid ahaa Wasiiradiisa markii xukunka Laga tuuray.

4. HOP#003 Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene waa nin shaqadiisa yaqaana kana mid ah ragga Barlamaanka ugu codka dheer waxa uu daacad u yahay Xasan Sheekh.

5. HOP#006 Maxamuud Cabdullahi Axmed oo ku magac dheer Abuukaate waa mucaarad balse xisbi gaar ah kama tirsana.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment