Meydadka Al Shabaab la dilay xilli ay weerar soo qaadeen oo lasoo bandhigay

Bulsha:- Sida ay sheegtay Dawlada Soomaaliya waxaa laga hortegay qorshe Alshabaab ku doonayeen in weerar ku qaadaan Magaalada xudur ee xarunta gobalka bakool.

Taliska ciidanka xooga dalka iyo kuwa maamulka koofur galbeed somalia ayaa fashiliyey weerarkaas.

Waxaana saraakiisha kusugan Xudur ay soo bandhigeen meydadka 3 xubnood oo ka tirsanaa alshabaab sida ay warka udhigeen oo lagu dilay dagaal kooban oo halkaasi ka dhacay xalay fiidkii.


Taliyaha ururka 175-aad, guutada 9-aad ee ciidanka xoogga dalka Maxamed Sankuus iyo Taliyaha sahanka ee guutadaas Aadan Gaabow ayaa warbaahinta u sheegay in xubnihii weerarka soo qaaday ay baxsadeen kadib iska caabin ay kala kulmeen ciidanka xoogga Soomaaliyeed.


Weerarkii xalay ka dhacay duleedka xudur ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli magaaladaasi ay hore Al Shabaab ugeliyeen go’doon dhinacyo kala duwan ah,raashinka ayaana lagu geeyaa si dhib badan,mararka qaarna Al Shabaab ayaa guba kareetooyinka raashinka lagu daabulo.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment