Wasiir Beyle oo balan qaaday in la kordhinayo Mushaarka, Gunnada & Raashinka Ciidanka Booliiska.

Bulsha:- Wasiirka Maaliyada xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay inuu socdo qorshe lagu doonayo in lagu kordhiyo mushaaraadka, gunnada iyo raashinka ay qaataan ciidanka booliska Soomaaliyeed oo sida uu sheegay dalka u haya howlo muhiim ah.

Ma uu san shaacin xiliga ay si rasmi ah u dhaqan barnaamijkan galeyso mushaar kordhintan ah iyo xadiga la gaarsiin doono, wuxuuse carabka soo mariyay inuu meel gaba gaba ah marayo qorshahan.

“Waxaa ballan ah ilaah baa wax weliba og in waxa aad qaadaneysaan wax lagu daro ayaa talada ku jirta, Raashinka in la kordhiyo, Gunnoooyinka oo la kala baddelo lana kordhiyo & Mushaarka in wax lagu daro haddii alle wax nasiiyo” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Mr.Beyle ayaa hadalkan xalay ka sheegay munaasabad lagu abaalmarinayay saraakiil ka tirsan ciidamada booliska, kuwaasoo iska xilsaaray doorashooyinkii xildhibaanada ee lagu qabtay magaalada Muqdisho, si gaar ah xerada ciidanka booliska ee Jeneraal Kaahiye oo ku taala degmada Xamar Jajab.




Waxa uu dhinaca kale ciidamada booliska ka dalbaday iney kaalin ka qaataan sidii loo wanaajn lahaa la dhaqan shacabka, isla mar ahaantaasina si gaara isha loogu heyn lahaa dadka jilicsan ee kamid ah shacabka Muqdisho, isagoo amaan u soo jeediyay saraakiisha booliska.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment