Wararkii ugu danbeeyay khasaaraha weerar Al-Shabaab ay ku qaaday magaalada Xudur.

Bulsha:- dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar dagaal yahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay saaka ku qaadeen degmadaXudur ee xarunta gobolka Bakool, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Koofur Galbeed.

Weerarka oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac iyo dad shacab ah, iyadoo saraakiisha ciidamada ay sheegteen iney jab xoogan gaarsiiyeen kooxda duulaanka soo qaaday.

Taliyaha ururka 175-aad, guutada 9-aad ee ciidanka xoogga dalka Maxamed Sankuus iyo Taliyaha sahanka ee guutadaas Aadan Gaabow ayaa Warbaahinta u soo bandhigay meydadka saddex qof oo ay sheegeen iney ahaayeen Shabaabka weerarka soo qaaday, iyagoo ka gaabsaday iney ka hadlaan khasaaraha dhankooda ka soo gaaray dagaalka.

Waxaa ay sheegeen in Xubnaha katirsan Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday ay kusii daba jiraan ciidanka qaranka, iyagoo xaqiijiyey in meydadka seddax xubnood ay goobta uga tageen, dhaawacyo badana ay gaarsiiyeen.


Si kastaba, majirto ilo ka madax banaan saraakiishan oo xaqiijinaya khasaaraha ay sheegeen iney gaarsiiyeen kooxdan Shabaab, mana jirto wax war ah oo Shabaabku ka soo saareen weerarka, waxaana magaalada Xudur ay kamid tahay deegaanada gobolka Bakool ee xanibaada saaran.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment