Gudoomiye kuxigeenkii SEIT ee Puntland oo isaga baxay xubinimadii guddiga doorashada.

Bulsha:- ku xigeenkii guddiga SEIT ee Puntland ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu guddiga ka hayay, isagoo sidoo kale sheegay inuu isaga baxay guud ahaan xubinimadii uu guddiga ka hayay.

Caynaanshe Yuusuf Xuseen oo warbaahinta la hadlay ayaa ka gaabsaday inuu faah faahin dheeri ah ka bixiyo sababta ka danbeysa is casilaada, isagoo warka ku soo koobay inuu shaqada uga tagay arrimo isaga u gaar ah, wuxuuna dhowr jeer ka meer meeray su’aalo warbaahinta arintiisa ka weydiisay.

”Aniga oo ah Caynaanshe Yuusuf Xuseen, kana tirsanaa Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Dowlad-goboleed ee Puntland, waxaan halkaan ku caddaynayaa in aan arimo shakhsi ah oo ii gaar ah dartood isaga casilay xilkii xubinnimo ee ka mid ahaanshaha guddiga, Waxaan kale oo aan caddaynayaa in aan sidoo kale iska casilay xilkii ku xigeenka Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Dowlad-goboleed ee SEIT-Puntland,” ayuu hadalkiisa ku yiri.

Warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in Caynaanshe Yuusuf Xuseen uu isku diyaarinayo inuu u tartamo kursiga xildhibaan ee sumadiisu tahay Hop#220, kaasoo deegaan doorashadiisa ay tahay magaalada Boosaaso, iyadoo kursigaas uu haatan ku fadhiyo Xildhibaan Cabdirashiid Maxamuud Xasan.

Todobaadka soo socda ayaa la filayaa in la guda galo doorashada kuraasta taala magaalada Boosaaso oo 16 kursi ah, waxaana haatan gabo gabo ah xalinta muranada ka dhashay qeybsiga kuraasta, iyadoo madaxweyne Deni uu isku dayayo sidii uu dad gaara ugu xiri lahaa kuraastan.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment