Nin ayaa dilay saddex gabdhood oo uu dhalay, qof kale iyo naftiisa

Bulsha:- Nin ayaa dilay saddex gabdhood oo uu dhalay, qof korjooge ka ahaa caruurta iyo naftiisa intii lagu guda jiray booqasho uu Isniintii ugu tegay gabdhihiisa, magaalada Sacramento ee gobolka California ee Mareykanka.

Saraakiisha booliiska ayaa sheegay in loogu yeeray xabado dhacay abaare 5:00pm ee Isniinti, kadibna ay u tageen shan qof oo meyd ah oo uu ku jiro qofka toogashada fuliyey.

Falkan ayaa ka dhacay kaniisad ku taalla xaafadda Arden-Arcade, sida uu sheegay Rod Grassmann oo ka tirsan booliska Sacramento.

Ninka toogashado fuliyey ayaa waxay kala noolaayeen hooyada dhashay gabdhaha, taasi oo haysatay amar ka fogaansho oo ka dhan ah, sida uu sheegay Sheriff Scott Jones oo ka tirsan booliska Sacramento.

Dambi-baarayaasha ayaa rumeysan in toogashada ay dhacday intii lagu guda jiray booqasho korjoog laga ahaa oo aabaha wax dilay uu ugu tegay caruurta. Dhibanaha afaraad ayaa ahaa qofkii korjoogaha ahaa, sida uu sheegay Jones.

Magaca qofka fuliyey toogashada ayaan weli la shaacin, balse saraakiisha ayaa sheegay inuu ahaa 39 jir.

Shaqaale ka tirsan kaniisadda uu falkan ka dhacay ayaa wacay number-ka xaalada deg degga ee 911, sida uu sheegay Grassmann.

Barasaabka gobolka California, Gavin Newsom ayaa sheegay in xafiiska uu la shaqyenayo sharci-fuliyayaasha.


“Ficil kale oo ah rabshad hub oo aan macno laheyn ayaa ka dhacay America – Markan waa daaraddeena. Waa kaniisad ay caruur ku dhex-jireen. Waa wax aad looga naxo dhab ahaantii,” ayuu Newsom kusoo qoray twitter.

AP










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment