Ciidamo si gaar ah dalka dibadiisa lagu soo tababaray oo Muqdisho kusoo laabtay (Sawirro)

Bulsha:- Waxaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degtay diyaarad milatari oo laga leeyahay dalka Turkiga ,taa oo waday ciidamo katirsan kumaandooska Soomaaliya ee Gorgor oo tababar kusoo qaatay dalka Turkiga.

Saraakiil katirsan milatariga Soomaaliya iyo kuwa ciidamada Turkiga ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay ciidamada Gorgor ee dalka dib ugu soo laabtay.

Qaar kamid ah saraakiisha ciidanka xoogga Soomaaliyeed oo ka hadlay munaasabada soo dhaweynta ayaa uga mahadceliyay Turkiga tababar ay siiyeen ciidamada Gorgor , waxa ayna ciidamada kula dardaarmeen in ay kasoo baxaan waajibaadka qaran ee loo igmaday.




Dowladda Turkiga ayaa gudaha Soomaaliya gaar ahaan xerada Turkisom iyo dalkeedaba ku tababarta ciidamo katirsan milatariga iyo Booliiska Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaan Gorgor iyo Haramcad.













Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment