Dowlada Kenya ay fara gelin ku heyso doorashada 16 kursi ee yaalla Garbahaareey?

Bulsha:- Dadweyne careysan ayaa saaka iskugu soo baxay degmada Beled xaawo ee gobolka Gedo,kuwaas oo ka cabanayey sida doorashada golaha shacabka loogu diidan yahay inay ka dhacdo deegaan doorashada labaad Garbahaareey.

Buula xaawo oo dhacda xuduuda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Dalka Kenya ayaa waxay wajaheysay todobaadkii lasoo dhaafay cunuqabateyn Al Shabaab saareen magaaladaasi.

Dadka isku soo baxay maanta oo isniin ah waxay dawlada Soomaaliya ugu baaqeen in garbahaareey kuraasta taalla doorashadooda la qabto.

Waxay ku eedeeyeen Dawlada Kenya inay fara gelin ku heyso doorashada ka dhici laheyd garbahaareey ayna codsadeen in 16 kursi la qabto doorashadooda.

Dhawaan waxaa la filayaa in wafdi ka socda guddiga doorashada heer federaal ay tegaan Garbahaareey si ay uqiimeeyaan in halkaasi lagu qaban karo doorasho wadar ogol ah.

Gudoomiyaha gobolka gedo Axmed Buule Gareed (Canjeex) oo safar ku yimid Muqdisho dhawaan ayaa la kulmay Madaxda Dawlada Soomaaliya si gaar ah Madaxweyne Farmaajo oo ay isku heyb yihiin.

Gudoomiye canjeex ayaa si cad udiidan in Jubbaland ay geed fadhi uga noqdaan 16 kursi ee garbahaareey doorashadooda taalla,xilli Axmed Madoobe uu diidan yahay in doorashadaasi gedo aan la qaban karin hadii aysan Jubbaland maamuli doonin.


Banaanbaxa maanta Beled xaawo ka dhacay ayaa dadka iskugu yimid waxay gubeen taayaro iyadoo xaalada markii dambe caadi ay ku soo laabatay balse waxaa la dareemayey in magaalada Abaar,Al Shabaab cunuqabateynta ay gelisey iyo maamul xumo ay iskugu darsan tahay,Dawladii Soomaaliya ee ay sugayeena gacantii laga filayey weli aysan soo gaarin.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment