Wadama caan ah oo liiska cunuqabateynta Visaha ku taageeray Mareykanka Arinta Soomaaliya

Bulsha:- Warqaad ayaa ogaatay warar sheegaya in cunuqabateynta ay mareykanka ku hanjabeen in ay soo rogi doonaan ay hadda ballaarin doonaan waddamo kale.

Wasaarada arrimaha dibada USA waxay sheegtay in dal ku galkeeda ay diidi doonto marka loo eego sida ay Soomaaliya dimoqraadiyadeedii udhaawaceen.

Inkastoo aan la ogeyn liiska magacyada siyaasiyiinta iyo madaxda kasoo muuqan kara xayiraada dal ku gal ee Mareykanka soo rogi doono,hadana dad la yaqaan ayaa ku jiri kara.

Waxaa socda qorshe lagu ballaarinayo saameynta ay yeelan doonto cunuqabateynta visayaasha ee ay dawladda Mareykanku kusoo rogtay shakhsiyaadka Soomaaliyeed ee ay aaminsan tahay inay ka dambeeyaan dib udhaca doorashooyinka.

Dalal badan oo ay mabda’ iyo arrimo siyaasadeed Mareykanka,is taageeraan ayaa laga yaabaa in ay iyaguna liiska dal ku galkooda ugu diidaan xubnaha Soomaaliyeed ee USA xayiraada saaray.

Waddamada laga yaabo inay go’aanka Mareykanka ku ayidaan cunuqabateynta waxaa ka mid ah Djibouti, Ethiopia, Italy, Norway, Kenya, Qatar, Sweden, Turkey, UAE, Uganda, iyo UK.

10-kaasi waddan ee USA ka taageeraya in xayiraada la saaro Madaxda,Siyaasiyiinta iyo dadka loo arko inay dimoqraadiyada Soomaaliya ku xad gudbeen waxaa ku jira Dawlado aad saaxiib ulahaa Villa Soomaaliya.

Qatar & Itoobiya ayaa ka mid ah oo Madaxweyne Farmaajo ay ku ilaashanayeen danahooda gaarka ah iyagoo ka dhex arkayey Soomaaliya balse hadda waxay la safteen Mareykanka.

Hadii sidaas go’aankooda noqdo waxay ka dhigan tahay in Saaxiibadii Farmaajo ay mar kale soo laabashadiisa ay u arkaan mid aysan taageeri karin waa hadii ay la saftaan Mareykanka cunuqabateynta uu soo rogayo.

Dadka laga yaabo in xayiraada lagu soo daro ayaana waxaa ku jira Fahad Yaasiin,Madaxweyne Farmaajo,Ex R/wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Shakhsiyaad ciidanka Soomaaliya ku jira.


Tiro u dhaxeysa 50 ilaa 60 magac oo isugu jira madax, siyaasiyiin, saraakiil ciidan, iyo qoysaskooda ayaa ku jira qeybta hore ee liiska cunaqabteynta Mareykanka soo rogay balse aan weli la shaacin.
Dadka Siyaasada Soomaaliya falanqeeya waxay mar kale ku celinayaan in dabino hor leh ay reer galbeedka la damacsan yihiin dalkeena marka loo eego qorshahaan safka ballaaran ah ay isku garabsiinayaan.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment