Taliyaha ciidanka Asluubta oo qaatay shahaadada musharaxnimo ee kursiga HOP172

Bulsha:- Taliyaha Ciidanka Asluubta Jen. Mahad C/raxmaan (Taliye Shub) ayaa qaatay shahaadada Musharaxnimo ee kursiga #HOP172, isagoo ka mid noqonaya musharaxiinta ugu dambeysay ee tartanka doorashada Golaha Shacabka.

Qaadashada shahaadada musharaxnimo ee Gen Mahad ayaa waxaa ay meesha ka saareysaa isku daygii Villa Somalia ku dooneysay in kursigaas uu qaato Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen, si uu Guddoomiye Baarlamaan u qaato.

Laftagareen ayaa ugu dambeyn diiday inuu ka tanaasulo xilka madaxweynenimo ee uu hayo uuna u tartamo guddoomiyaha baarlamaanka.

Hase yeeshee mas’uuliyiin badan oo isugu jira wasiiro,xildhibaano iyo saraakiil ciidan oo ka tirsanaa maamulka Koofurgalbeed ayaa ka mid noqday xildhibaanada golaha shacabka.


General Mahad Cabdiraxmaan oo loo yaqaan Shubka ayaa noqonaya sarkaalkii ugu sareeyay ee xil ka haya ciidamada dalka ee ka mid noqonaya golaha shacabka.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment