Koofur Galbeed iyo Galmudug oo beri soo dhameystiraya xildhibaanada ku harsan

Bulsha:- Guddiyada doorashooyinka heer dowlad goboleed ee maamulada Galmudug iyo Koofur Galbeed ayaa maalinimada beri oo talaada ah waxa ay soo dhameystirayaan xildhibaanada ku harsan ee kamid noqonaya golaha shacabka baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Sida qorshuhu yahay, Baydhabo waxaa beri lagu dooranayaa 7 kursi, kuwaasoo kala ah HOP# 204 HOP# 197,HOP#179, HOP#172,HOP# 164 iyo HOP# 047, halka Galmudug beri magaalada Gaalkacyo oo ah deegaan doorahsadeeda labaad lagu qabanayo doorashada kuraasta HOP#018, HOP#021 iyo HOP#020.

Hadii doorashooyinkan ay qabsoomaan waxey ka dhigan tahay in maamulada Galmduug iyo Koofur Galbeed ay noqdaan maamul goboleedyadii ugu horeeyay ee soo dhameytira dhamaan xildhibaanada golaha shacabka, iyadoo kuraas ay ku harsan yihiin Puntland, Jubaland iyo Hirshabelle.


Beri oo taariikhdu tahay 15-ka Maarso waa xiligii u dnabeeyay ee golaha wada tashiga qaran ay qabsadeen in lagu soo gunaanudo guud ahaan doorashada golaha shacabka oo dhowr jeer dib uga dhacday waqtigeeda, iyadoo beesha caalamkana ay kordhiyeen cadaadiska ay saarayaan madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment